Dibadbaxyo ka dhacay caasimadda Suudaan

0
356

Waxaa maanta waddooyinka magaala madaxda dalka Suudaan ee Khartoum isugu soo baxay kumanaan qof oo shacab ah kuwaasoo dibadbax dhigay.
Dadkan ayaa muujinayay sida ay uga soo horjeedaan afgembigii militari ee dalkaasi ka dhacay 25-kii bishii Tobnaad ee sanadkan.
Ciidamada ammaanka ayaa sunta dadka ka ilimeysiisa ku kala eryay dibadbaxayaasha.
Tani iyo markii uu inqilaabka dhacay waxaa Suudaan ka taagnaa mudaharaadyada lagu diiddan yahay tallaabada uu qaaday militariga wadankaasi.