Ismaamulka Mandera oo ugu hooseeya qaadashada tallaalka COVID-19

0
318

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in gudaha ismaamulka Mandera ee gobolka waqooyi bari ilaa iyo hadda cudurka COVID-19 looga tallaalay 9,301 qof oo u dhiganta boqolkiiba 2.7.
Tiradan ayaa ah midda ugu hooseysa guud ahaan wadanka marka la eego qaadashada dawooyinka ka dhanka ah caabuqa corona.
Ismaamulka Garissa waxay wasaaradda caafimaadka sheegtay in corona laga tallaalay 16,517 qof oo u dhiganta boqolkiiba 4.1 halka Wajeer tiradan ay tahay 10,960 oo ah boqolkiiba 3.2.
Marka la eego dowlad deegaanada kale ee wadanka waxaa dhanka tallaal qaadashada ugu horreysa Nairobi oo ah boqolkiiba 31.5,Nyeri 27.5, Laikipia 21.2, Kiambu 20.5, Murang’a 15.9, Taita Taveta 15.7, Uasin Gishu 15.4, Kirinyaga 15.0, Nyandarua 14.2, Nakuru 14.0, Kajiado 13.8, Mombasa 13.6 halka Kisumu ay tahay boqolkiiba 13.5.
Warbixintii ugu dambeysay ee wasaaradda caafimaadka dalka waxaa ku cad in ilaa iyo hadda la adeegsaday dawooyinka tallaalka oo gaaraya 8,818,453 .
Waxaa uu qorshuhu yahay in dabayaaqada bishan Diseembar,gudaha dalkani Kenya cudurka COVID-19 looga tallaalo ugu yaraan 10 milyan oo qof.
Wasaaradda caafimaadka ayaa mar kale dadweynaha ugu baaqday inay qaataan dawooyinka tallaalka maadaama la xaqiijiyay xaalado la xiriira nooca cusub ee caabuqa ee loo yaqaano Omicron.