Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa kusii qul qulaya wufuud kala duwan, oo ka qayb galaya munaasabadda Saddex sano guurradii kasoo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamad (laftagareen).
Shalay waxaa Magaalada Baydhabo tagay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Roible, qaar kamid ah Golihiisa Wasiirrada iyo mas’uuliyiin kale.
Rw Rooble ayaa xalay kulamo ka bilaabay Magaalada Baydhabo, waxaana uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo guddiga doorashooyinka Heer maamul Goboleed ee Koonfur Galbeed.
Waxaa uu sheegay in ka qaybgalka Sanad-guurrada maamulka Koonfur Galbeed ka dib arrimaha ugu muhiimsan ee uu magaalada Baydhabo u tagay ay yihiin kawada hadalka arrimaha doorashooyinka, ammaanka guud ee dalka iyo saamaynta abaaraha.
Maanta ayaa la filayaa in sidoo kale Magaalada Baydhabo ay tagaan Xubno ka socda labada Gole ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaamiyayaasha Maamullada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Galmudug Axmad Cabdi Kaariye Qoor Qoor
Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana waddooyinka waawayn ee Magaaladaasi lagu arkayaa Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo Amniga xaqiijinaya.