Booliska oo baadigoobaya agaasimayaasha dhismo ku dumay Murang’a

0
266

Dowladda ayaa baadigoobeysa milkiilayaasha dhismaha huteelka Sunstar oo Jimcihii ku dumay aagga Makeji ee deegaanka Gatanga ee ismaamulka Murang’a.
Shakhsiyaadka la raadinaya ayaa ah saddex.
Huteelka dumay oo uu dhismo ku socday ayaa ka koobnaa afar dabaq.
Isku duwaha ammaanka ee gobolka bartamaha dalka Wilfred Nyagwanga, ayaa amar ku bixiyay in la soo xiro saddexda agaasime ee huteelka iyo lix kale oo xirfadleyaal ah oo shaqooyin kala duwan u qaabilsanaa dhismaha dumay.
Xilli uu warbaahinta kula hadlay goobta dhismaha uu ku dumay, ayaa Mr. Nyagwanga wuxuu ka codsaday dadka baxsadka ah inay isku soo dhiibaan boolsika.
Waxaa uu arrin dambi ah ku tilmaamay in milkiilayaasha ay baxsadaan halkii ay booliska ka caawin lahaayeen baaritaannada.
Mr. Nyangwanga ayaa dhismaha dumay u sababeyay dayacaad xirfadeed.
Dhanka kale barasaabka ismaamulka Murang’a, Mwangi Wa Iria, ayaa ku eedeeyay maamulka qaran ee dhismaha ee (NCA) inay ka tanaasuleen waajibaadkooda kormeerka dhismayaasha ka socda dowlad deegaankaasi.
Waxaa weli socdo howlaha samata bixinta iyadoo iyo ilaa iyo hadda goobtaasi laga soo saaray meydadka saddex qof.
Maamullada ayaa aaminsan in shan qof oo kale ay weli ku hoos xanniban yihiin burburka.