War-Saxaafadeed ay soo saareen Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hannaankii loo maray xilka qaadista xubno ka tirsan guddiigaas uu yahay mid baal marsan heshiiskii 17 Sep ee 2020.
Waxaa ay baaq u direen Madaxda Wadatashiga Qaran si ay arrintaan uga bixiyaan jawaab u dhiganta.
Waxaa ay sidoo kale cambaareyeen Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya C/laahi Maxamad Nuur oo ay sheegeen in uu kuusoo weeraray xaruuntoodi sidoo kalena ay kala kulmeen xayiraad, handadaad iyo caga jugleyn isagoo dhanka kale ku amray xubnihii guddigaas in muddo hal saac ah ay uga guuraan xaruuntii guddigaas.
Home Wararka Soomaaliya Xubnihii guddiga khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya oo ka hor yimid go’aankii rw Rooble