Waaxda saadaasha hawada oo sheegtay in roobab mahiigaan ah la rajeynayo

0
535

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa soo saartay digniin ku aadan roobab mahiigaan ah oo la filaya in ka da’aan qaybo ka mid ah wadanka.
Waxaa ay intaa ku dartay in roobabka culus ay ka dhalan karaan fatahaado.
Ismaamullada laga yaaba inay ka hooraan roobabka culus ayaa kala ah Embu, Meru, Murang’a, Nairobi, Nyeri, Kiambu, Kirinyaga, Tharaka Nithi, Kitui, Machakos, Makueni, Isiolo, Garissa, Tana River, Taita Taveta, qaybo ka mid ah dowlad deegaanada Mombasa, Kilifi iyo Lamu.
Bayaan ay waaxdu soo saartay ayaa waxaa qayb ka ah inay roobab culus oo heerkoodu lagu qiyaasay in ka badan 30 miliimitir ay da’aan maalinka Talaadada muddo 24 saac gudahood.
Agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee Kenya Stella Aura ayaa shacabka ku nool ismaamulladan ku boorrisay inay feejignaadaan maadaama ay suuragal tahay in daadad ay ka dhashaan roobabka, waxaana loo soo jeediyay inay ka fogaadaan meelaha uu joogoodu hooseeyo.
Dadka ku nool buuraleyda Abardare ee ismaamulka Murang’a ayaa laga codsaday in ay ka feejignaadaan dhul go’o.
Waxaana dadweynaha dhanka kale loo soo jeediyay inay ka fogaadaan inay maraan meelaha bannaan xilliyada uu roobku wato dabeyl, islamarkaana aysan gabaad ka dhigan geedaha hoostooda.
Waxaa sidoo kale dadka ku nool meelaha u nugul dhul go’a lagu boorriyay inay feejignaan dheeri ah muujiyaan.