Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya oo sheegay in cadaadis lagu hayo

0
421

Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya ayaa sheegay in habraacyada ay ku shaqeeyaan ay yihiin kuwo hore loo dejiyay oo ay ku heshiiyeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda Maamul Goboleedyada.
Guddoomiyaha Guddiga Khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya Xuseen Maxamad Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Guddiga uu go’aamiyey laba Dacwo oo loo gudbiyay oo ka kala yimid kuraasta HOP239, iyo HOP67, ka dib markii ay baaritaano ku sameeyeen, ayna u mareen habraacyo sax ah, waxaana kuraasta kusoo kala baxay Mahdi Guuleed iyo Yaasiin Fareey.
Waxaa uu Carabka ku dhuftay in aysan koox iyo nidaam gaar ah u adeegeynin oo ay u shaqeynayaan sidii ay u kala saari lahaayeen Musharraxiinta iyo Xildhibaanada ku qanci waaya Natiijada kasoo baxda doorashooyinka dhacaya.
Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada ayaa Midowga Musharraxiinta ka dalbaday inay joojiyaan waxyaabaha ay dadka ku kala fogeynayaan oo ay ka sheegayaan Guddiga Khilaafaadka, iyagoona ka Codsaday in wixii tabasho ah ay qabaan ay kala hadlaan Guddiga.
Guddoomiyaha Guddiga Khilaafaadka Xuseen Maxamad ayaa qiray inay soo gaaran cabashooyinka ay la kulmaan cadaadis xooggan oo kaga yimaada dhinacyo kala duwan, in kastoo uusan shaacin halka ay uga yimaadan, isagoona dalbaday in cadaadiska laga daayo.