Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa u xaqiijiyay xubnaha xisbiga United Democratic Alliance (UDA) in ay si xor iyo xalaal ah isugu soo sharaxi karaan dalabka tikidka xisbigaasi ee doorashada 2022-ka.
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu meesha ka saaray walaaca laga qabo in xisbiga UDA uu noqdo mid ku dhisan eexasho, isaga oo sheegay in shacbiyadda murashaxiinta ee hoggaanka xisbiga aanay waxba ka tari doonin inta lagu jiro magacaabista.
“Fadlan, iga qaata aniga, qof walba wuxuu heli doonaa fursad cadaalad ah. Ma jiro qof aan u door bidayno kursi kasta,” ayuu yiri Ruto.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu subaxnimadii Jimcaha manta kula qaatay gurigiisa Karen qaar ka mid ah ergo ka kala socotay degaannada Nairobi.