DHAGEYSO:Xildhibaanka Langata oo ka jawaabay hadal uu jeediyay wasiirka arrimaha gudaha

0
408

Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Langata ee ismaamulka Nairobi Nixon Kiprotich Korir ayaa wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ugu baaqay inuu is casilo si uu uga qayb qaato arrimaha siyaasadeed.
Shalay ayay ahayd markii Dr. Matiang’i uu ku gacan seyray dhaliilo ay u jeediyeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta xulafada la ah madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Waxaa uu wasiirku si cad u sheegay inuusan marnaba raaligelin ka bixin doonin gudashada waajibaadkiisa shaqo xita sida uu hadalka u dhigay haddii hoggaamiyaasha qaar ay u arkaan inuu taageerayo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Dr.Matiang’i ayaa ku celceliyay inuu daacad u yahay madaxweyne Uhuru Kenyatta oo sanadkii 2018-kii la heshiiyay Mr. Odinga sidaas awgeedna uu raacayo tilmaamaha uu siiyo.
Hasa ahaate mudanaha Langata ayaa xusay in wasiirrada aan looga baahneyn inay ku lug lahaadaan arrimo siyaasadeed haddi kale ay tahay inay iska casilaan xilalka ay ugu adeegayaan bulshada