Urur goboleedka IGAD ayaa ku boorriyay dowladaha Kenya iyo Soomaaliya inay xaqiijiyaan in doorashooyinka qaran ee dalalkan ay noqdaan kuwa u dhaca si dimuqraadi ah oo nabddoon.
Waxaa uu uruka IGAD tilmaamay in doorashooyinka soo socda ee labadan dowladood ay noqon doonaan tijaabo dastuuri ah.
Tani ayaa ku soo aadeyso, iyadoo lagu wado in Kenya ay ka dhacdo doorashada guud 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadka dambe ee 2022-ka, halka dalka Soomaaliya uu qorshuhu ahaa in doorashada madaxtinimo ay dhacdo 25-kii bishii hore balse dib uga dhacday.
Xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu ayaa ku nuux-nuuxsaday baahida loo qabo in si hoose loo xalliyo khilaafaadka ka dhasha doorashooyinka iyadoo loo marayo hab sharci ah.
Waxaa uu xusay in IGAD ay u rajaynaysa dowladaha, shacabka Kenya iyo Soomaaliya in doorashooyinka soo socdo ay ku dhacaan si xasiloon.
Mr. Gebeyehu ayaa ku boorriyay Soomaaliya iyo Kenya inay hubiyaan mabaadi’da dimuqraadiyadeed ka hor iyo ka dib doorashooyinka guud ee 2022-ka ka qabsoomaya dalalkan.
Waxaa uu dhanka kale dowladaha Itoobiya iyo Jabuuti ugu hambalyeyay sida nabdoon ee ay u qabteen doorashooyinkii horraantii sanadkan.
Hadalkan ayuu ka sheegay magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta ee Kenya.
Urur goboleedka IGAD waxaa xubno ka ah waddamada kala ah Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Soomaaliya, Suudaan, Suudaanta Koonfureed iyo Uganda.