Xisbiga UDA oo ku guulaystay deegaan hoose oo ka tirsan Meru

0
309

Simon Kiambi oo xisbiga UDA ku matalayay doorashada ku celiska ee deegaanka hoose ee Kiagu oo ka tirsan deegaan baarlamaneedka bartamaha Imenti ee ismaamulka Meru ayaa ku soo baxay codeyn shalay halkaasi ka dhacday.
Kiambi ayaa helay codad gaaraya 2,240 halka Milton Mwenda oo ugu soo dhawaa shakhsiyaadkii la tartamayay uu soo hooyay 1,823 oo codad ah.
Mwenda ayaa waxaa uu ka tirsan yahay xisbiga CCK ee lala xiriiriyo xildhibaanka Koonfurta Gatundu ee ismaamulka Kiambu , Moses Kuria.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in loolanka ay ka qayb qaateen ilaa toban musharrax.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ee IEBC ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in deegaanka hoose ee Kiagu laga dhiibtay codad dhan 7,109.
IEBC ayaa sida ay dadweynaha ugu soo baxeen codeynta ku sheegtay boqolkiiba 64.36.
Guddiga ayaa hoosta ka xarriiqay in codadka saxda ay noqdeen 7,009 halka 100 dhinac la iskaga dhigay.
IEBC ayaa u mahadcelisay codbixiyeyaasha iyo saamileyda kale ee suurtageliyay in doorashadu ay ku soo dhamaatay jawi nabad ah.
Guusha u soo hooyatay musharraxii xisbiga UDA, Nguruni Simon Kiambi waxaa ku dhawaaqday Pamela Karimi oo ah mas’uulka guddiga IEBC u qaabilsanayd maareynta codeynta.
Dhanka kale Donald Fundi oo ka tirsan xisbiga Jubilee ayaa ku soo baxay doorashadii ku celiska ahayd ee shalay ka dhacday deegaanka hoose ee Mahoo ee ismaamulka Taita Taveta .
Waxaa uu helay codad gaaraya 1,609 halka musharraxa xisbiga UDA Daniel Kimuyu uu soo galay nambarka labaad isagoo ay u soo dhaceen 1,358 oo codad ah.
Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa u hambalyeeyay musharraxiinta UDA ee midna uu guulaystay halka midka kalena uu noqday qofka labaad.
Ruto ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku sheegay in dadweynaha deegaanada hoose ee Kiagu iyo Mahoo ay taageero u muujiyeen qorshaha dhaqaalaha ee xisbiga.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in shacabka ay caddeyeen inay daneynayaan xisbi qaran.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka waxaa uu sheegay in ololihiisa siyaasadeed uu yahay mid awood leh iyada oo qorshaha kobcinta dhaqaalaha ee ah in meel hoose laga soo billaabo uu noqday mid sii xoogeysanaya sida ku cad qoraalka William Ruto.