Ku dhawaad 30 qof oo ku dhaawacmay dab qabsaday dhisme ku yaalla Japan

0
284

Ugu yaraan 28 qof ayay dhaawacyo ka soo gaareen dab qabsaday dhisme ganacsi oo ku yaalla magaala xeebeedda Osaka ee galbeedka wadanka Japan.
Warbaahinta dowladda dalkaasi ee NHK ayaa ku warramaysa in laga cabsi qabo in dad dhowr ah ay dhacdadaasi ku dhinteen.
Dhismaha gubtay ayaa ka kooban siddeed dabaq waxayna wararku sheegayaan in dabku uu ka billowday dabaqa afaraad ama shanaad .
Dhaawacyada ayaa ah kuwo culus iyadoo 27 qof ay istaageen wadnaha iyo sambabbada.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ee keentay in gurigaasi uu dab ka kaco.