Baarlamaanka oo toddobaadka dambe yeelanaya kal-fadhiyo gaar ah

0
424

Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Mr. Justin Muturi ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in xildhibaanada ay maalmaha Talaadada iyo Arbacada ee isbuuca soo socdo yeelan doonaan kal-fadhiyo gaar ah.
Mr. Muturi ayaa xusay in mudanayaasha lala wadaagi doono farriimo muhiim ah oo uga yimid aqalka sare iyo golaha fulinta ee dowladda.
Sidoo kale waxaa la soo bandhigi doonaa warbixinnada iyo mooshinnada guddiyada kala duwan ee baarlamaanka oo ay ka mid tahay turxaan bixinta guddoomiyaha guddiga adeegga dadweynaha ee PSC.
Sidoo kale baarlamaanka ayaa su’aalo weydiin doono shakhsiyaad loo soo magacaabay inay ku biiraan guddiga qaran ee jinsiyadda iyo sinnaanta .
Mr. Justin Muturi ayaa intaasi ku daray in xildhibaanada baarlamaanka ay eegi doonaan isbeddelo aqalka sare uu ku sameeyay xeerka caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF.
Mudanayaasha baarlamaanka ayaa 2-dii bishan galay fasax soconaya ilaa 7 isbuuc waxaa uuna qorshuhu ahaa inay dib u soo laabtaan 25-ka bisha koowaad ee sanadka 2022-ka ka hor inta uunan guddoomiyaha baarlamaanka Justin Muturi isugu yeeri kal-fadhiyo degdeg ah.