Madaxweynaha Soomaaliya oo Tukiga gaaray

0
401

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo oo ay wehliso Marwada Koowaad ee dalkaasi Saynab Cabdi Macalin iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa halkaas soo dhoweyn heer sare ah ugu sameeyey Mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan Dowladda Turkiga iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya wadankaasi Danjire Jaamac Caydiid.
Mr. Farmaajo ayaa Magaalada Istanbuul kaga qayb galaya meertada saddeexaad ee Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika, isagoo inta uu halkaas ku sugan yahay kulamo la qaadan doona madax Kala duwan ee ka qayb galaysa Shirweynaha.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigiisa ayaa halkaas ku soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee mustaqbalka iskaashiga Labada dhinac, fursadaha maalgashi, ganacsi, diblomaasiyada, xoojinta amniga iyo Xiriirka miro-dhalka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga ka dhexeeya.