Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa warbaahinta ugu baaqay inay ka soo baxdo kaalinteeda kaga aaddan ka hor tagga falalka lagu lunsado kheyraadka dadweynaha.
Waxaa baaqan soo saaray maareeyaha EACC ee gobolka bartamaha dalka Mr. Charles Rasugu.
Mas’uulkan ayaa hoosta ka xarriiqay in warbaahintu ay ka mid tahay waaxyaha aadka muhiim ugu ah la tacaalidda musuqa.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu ismaamulka Nyeri ka furay aqoon iswey-daarsi ay soo qaban qaabisay EACC oo kaashanaysa hay’adda caalamiga ee sharciga horumarka ee (IDLO) iyo golaha warbaahinta dalkani Kenya ee MCK.
Tababarka ayaa ah mid sare loogu qaadayo aqoonta wariyeyaasha ee dhanka tabinta wararka la xiriira musuqmaasuqa.