Kenyaanka oo lagu boorriyay inay mas’uuliyad shakhsiyeed iska saaraan COVID-19

0
322

Afhayeenka dowladda dhexe Cyrus Oguna ayaa dhammaan muwaadiniinta dalka kula taliyay inay mas’uuliyad shakhsiyeed iska saaraan xakameynta faafitaanka caabuqa corona.
Waxaa uu xusay in xaaladaha cudurka COVID-19 oo horay ahaa boqolkiiba 0.8 ay kordheen ilaa 10.6 boqolkiiba hal toddobaad gudihiisa.
Oguna ayaa tilmaamay in iyadoo kiisaska maalinlaha ah ay sii kordhayaan dhanka kale ay suurtagal tahay inay meesha ka baxaan guulaha laga gaaray la dagaalanka cudurka.
Afhayeenka dowladda dhexe ayaa ku baaqay in qof kasta uu oggolaado in laga tallaabo cudur sidaha corona, in aan aad la isugu dhawaan , isticmaalka afxirka iyo gacmo dhaqasho joogto ah.
Baaqa Cyrus Oguna ayaa ku soo beegmaya iyadoo shalay Kenya laga diiwaangeliyay saddex xaaladood oo ah faraca cusub ee COVID-19 ee loo yaqaano Omicron.