Maxkamadda racfaanka oo go’aamisay in aan la xirin agaasimaha DCI-da

0
601

Agaasimaha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da Mr. George Kinoti oo lagu waday in gacanta lagu dhigo ka dib amarkii shalay ka soo baxay maxkamadda sare ayaan wakhti xaadirkan la xiri doonin.
Tani ayaa timid ka dib markii maxkamadda racfaanka ay tixgelisay codsi uu u gudbiyay oo uu kaga soo horjeedo in xabsiga loo taxaabo.
Guddi ka kooban saddex garsoorayaal oo kala ah Fatuma Sichale, Msagha Mbogholi iyo K.Laibuta ayaa go’aamiyay in aan Kinoti la xiri karin ilaa iyo inta dacwadda uu maxkamadda geeyay laga soo gabagabeynaya koowda bisha afaraad ee sanadka soo socdo.
Qareenka matalaya Kinoti Cecil Miller, ayaa ku dooday in maxkamadda sare aynan tixgelin caddeyn cusub oo loo bandhigay.
Mr. Kinoti oo loo haysto inuu dafiray amar maxkamadeed ayuu qorshuhu ahaa inuu xabsiga wayn ee Kamiti ku soo qaato muddo afar bilood ah.
Xukunka ay horay maxkamadda sare ugu riday ayaa yimid ka dib markii uu ku guul dareystay in ganacsadaha caanka ah Jimmy Wanjigi loo celiyo hub ay laamaha ammaanka kala wareegeen.