Xoghayihii hore joogtada ee wasaaradda dowlad wadaajinta dalka Irungu Nyakera ayaa ku dhaleeceeyay hoggaamiyayaasha ismaamullada dalka inay qayb ka yihiin nidaamka dowlad wadaajinta oo sidii laga filayay aan wali u shaqeyn ama heerkii laga doonayay uuna wali gaarin
Waxaa uu sheegay inkastoo ay jiraan caqabado badan oo dhanka nidaamka dhaqaalaha ismaamullada ku baxa ah, haddana inay madaxda sare ee dowlad deeganada ay qaataan go’aamo qaarkood ay sababaan in dhaqaalaha dadweynaha la lunsado.
Xoghayihii hore ee joogtada wasaaradda dowlad wadaajinta oo ka mid ah shakhsiyaadka u hanqal taagaya xilka barasaabka dowlad deegaanka Murang’a doorashada guud ee sanadka dambe ee2022-ka, ayaa ku talinaya in qaab dhismeedyo la sameeyo si loo wanaajiyo xiriirka iyo wada-shaqaynta ka dhexeysa dowladda dhexe iyo dowlad deegaanada dalka ka jira.
Waxaa uu xusay in haddii sidaas la sameeyo uu muwaadin kasta dareemi doono in dhaqaalaha ismaamullada la siiyo aysan khasaari doonin ama aan meel khaldan la marin doonin cidkastana ay ku qanci doonto sida loo adeegsanayo sida uu hadalkiisa u dhigay.
Dhanka kale xoghayaha dhanka maamulka u qaabilsan wasaaradda adeegga dadweynaha iyo jinsiyada Beatrice Elachi ayaa sheegtay in awood baahintu ay tahay arrin adag haddii aan sida saxda ah loo maamulin.
Waxaa ay ugu baaqday hoggaamiyayaasha la soo dooran doono sanadka 2022-ka inay meesha ka saaraan kala duwanaanshaha u dhexeeya ismaamullada iyo dowlada dhexe ayagoo sii xoojinaya horumarka uu dalka gaarsiiyay maamulka hadda talada wadanka haya ee Jubilee.
Mrs. Elachi ayaa sheegtay in laga soo bilaabo sanadkii 2013-kii uu madaxweynuhu si toos ah u taageeray nidaamka dowlad wadaajinta, balse ay jiraan waxyaabo ay ahayd in madaxda dowlad deegaanada dalka si wanaagsan u maareeyaan oo aan la gaarsiin heerkii laga doonayay arrintaas oo u baahan inay iswaydiiyaan musharaxiinta.