Qiimaha shidaalka ee dalka oo aan isbeddel lagu sameyn doonin muddo bil ah

0
311

Maamulka maareeya adeegyada batroolka iyo tamarta dalka ee (EPRA) ayaa sheegay in aan wax isbeddel ah lagu sameyn doonin qiimaha lagu iibiyo noocyada kala duwan ee shidaalka.
Go’aankan ayaa shaqeynaya ilaa 14-ka bisha koowaad ee sanadka soo socdo xilligaasi oo qiimaha dib loo eegi doono.
Agaasimaha guud ee maamulka EPRA Kiptoo Bargoria ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu sheegay in qiimaha nooca shidaalka ee loo yaqaano Super Petrol uu noqon doono 129.72 shilin halkii liitar , naaftada waa 110.60 shilin liitarkii halka Kerosene liitarkii lagu kala iibsan doono 103.54 shilin.
Mr. Kiptoo ayaa hoosta ka xarriiqay in qiimaha shidaalka oo aan muddo bil ah isbeddel lagu sameyn doonin looga gol-leeyahay in macaamiisha oo wajahaya saameynta dhaqaale ee cudurka COVID-19 aan culeys dheeraad ah la sii saarin.