DHAGEYSO:Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay madasha aragti wadaaga Soomaaliyeed

0
242

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa ka sheegay munaasabad halkaasi ka dhacday inuu tixgelin doona wixii dan u ah Soomaaliya ee kasoo baxa Shirka Machadka Heritage.
Waxaa uu sheegay inay muhiim yihiin oo ay qaadan doonto talooyinka Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ku baaqay in la is cafiyo oo horay loo socdo si loo hagaajiyo dowladnimada dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyn wuxuu sheegay in dalka uu galay doorasho xor iyo xalaal ah, inkastoo ay jiraan cabashooyin badan oo kasoo noqday doorashooyinkii la qabtay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa waxaa la filayaa inuu Maanta soo xiro shirweynaha aragti wadaaga Machadka Heritage ee ka socda dalka Jabuuti.