Al-Shabaab oo la wareegtay deegaan Dhuusamareeb u dhow

0
241

Wararka laga helayo deegaanka Ceel-dheere ee gobolka Galgaduud bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ay la wareegeen deegaankaasi oo magaalada Dhuusamareeb u jira 30 km.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in Al-Shabaab ay gudaha u galeen deegaanka, islamarkaana ay bur-buriyeen xarumihii maamulka Iyo ciidanka ee ku yaalay Ceel-dheere, ka dib markii qarax ay ku xireen.
Majirin wax iska hor imaad ah oo deegaanka ka dhacay, sida uu sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka oo warbaahinta gudaha Soomaaliya la hadlay.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee ku aadan sidii Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug ay markale dib ula wareegi lahaayeen degaanka Ceeldheere ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb oo Al-Shabaab ay qabsadeen.