Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Uganda Bobi Wine ayaa sheegay in gurigiisa ay ku hareereysan yihiin ciidamo tira badan kuwaas oo u diiday inuu kasoo baxo hooygiisa wax dhaqdhaqaaq ahna uusan sameyn.
Waxaa uu sheegay in la soo geli karin lagana bixi karin gurigiisa oo ku yaalla deegaanka Magere ee waqooyiga magaalada caasimadda ee Kampala.
Bobi Wine ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Tiwitter-ka ku xaqiijiyay in ciidamo tiro badan oo isugu jira boolis iyo milateri la soo dhoobay gurigiisa islamarkaana uu galay xabsi guri.
Waxaa uu madaxwaynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ku eedeeyay inuu arrinkani ka dambeeyo.
Mr. wine oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaaradka ugu wayn dalkaasi ayaa dhowr jeer hore xabsi la dhigay.
Waxaa uuna si wayn uga soo horjeeda madaxweynaha muddo dheer dalkaasi xukumayay Yuweri Museveni oo ku guuleystay doorashadii horraantii sandkan dhacday ee muranka badan dhalisay.