Isbitaalka Mathare ee magaalada Nairobi oo magacii laga beddelay

0
462

Isbitaalka heerka shanaad ee Mathare-Korogocho ee magaalada Nairobi ayaa magaca laga beddelay waxaana haatan loo bixiyay xarunta caafimaadka ee Mama Margaret Kenyatta.
Agaasimaha maamulka ay dowladda dhexe u xilsaartay bixinta adeegyada bulshada caasimadda dalka ee Nairobi ee NMS jeneraal Maxamad Badi, ayaa sheegay in isbitaalka dhawaan dib loo furi doono ka dib muddo sanado oo u dayactir ku socday.
Waxaa uu intaa ku daray in toddobaad ka dib albaabada loo furi doonaa xaruntaasi caafimaadka si dadweynaha daryeelka caafimaad u baahan loogu adeego.
Dr. Ouma Oluga, oo ah agaasimaha maamulka NMS u qaabilsan adeegyada caafimaadka, ayaa dhankiisa sheegay in isbitaalka la rajaynayo in si wayn loo dhimo tirada bukaan socodka ee u raadsanaya daryeel caafimaad isbitaalka qaran ee Kenyatta.
Waxaa sidoo kale oo la filayaa in la yareeyo culaysyada bukaannada ee daryeelka caafimaad u raadsado isbitaalka Mama Lucy Kibaki, kaas oo u adeegga in ka badan 2.1 milyan oo qof.
Isbitaalka Mathare ee haatan magaca laga beddelay ayaa dayactirkiisa waxaa ku baxay dhaqaale dhan 400 oo milyan oo shilin, wuxuuna qaadaa 350 sarriir.
Waana isbitaalka ugu wayn ee caasimadda dalka ee Nairobi marka loo eego sariiraha loogu talagalay bukannaada ee goobtaasi yaalla.