Shiinaha oo u hanjabay Maraykanka

0
329

Dowladda dalka Shiinaha ayaa soo saartay digniin ay u direyso Maraykanka iyadoo xukuumadda Washington ka dalbatay inay meesha ka saarto xayiraadaha ka dhanka ah Beijing.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa ku hanjabtay inay si adag uga falcelin doonto cunaqabateynta Maraykanka ee ay ku tilmaantay mid aan laga fiirsan.
Dhawaan ayay ahayd markii Maraykanka uu cunaqabateyn ku soo rogay shakhsiyaad iyo waaxyo lala xiriirinaya xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul aadanaha oo xukuumadda Beijing lagu eedeyay inay gaysatay.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha Wang Wenbin ayaa xayiraadda ku tilmaamay mid aan la qaadan karin.
Waxaa uu xusay inay Maraykanka kula talinayaan inuu sida ugu dhaqsiyaha badan uga laabto go’aankaasi oo uu joojiyo faragelinta arrimaha gudaha ee Shiinaha iyo ka wax u dhimidda danahooda gaarka ah.