Nin Garissa gabadh ku faraxumeeyay oo la xiray 20 sano

0
358

Waaxda dacwad soo oogidda dalka ayaa sheegtay in xukun xabsi oo 20 sano ah la saaray nin lagu magacaabo Yuusuf Iimaan oo loo haysto inuu faraxumeeyay gabadh ay da’deedu tahay 15 sano.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay ismaamulka Garissa ee gobolka waqooyi bari.
Qoraalka ay waaxdu soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitter-ka ayaa muujinaya in xukmanaha uu gabadha dhibaateeyay xilli ay u socotay xero ka dib markii ay ka mid noqotay qoysas ku barakacay daadad.
Yuusuf ayaa gabadha u sheegay inuu mooto ku qaadaya si uu xerada u geeyo hasa ahaate dhugdhugleyda ayuu si xowli ah u kaxeeyay isagoo inanta geeyay meel duur ah ka dibna ku xadgudbay.
Saraakiisha dacwad oogidda ayaa maxkamadda u sheegay in ninkan ka dib markii uu gabadha faraxumeeyay uu ku qasbay inay isku nadiifiso biyaha daadka oo aan saafi ahayn.
Waxaa dacwaddan maxkamadda geeyay sarkaal lagu magacaabo Mr. Victor Owuor oo ugu dambeyn ku guulaystay in eedeysanaha la dul dhigay 20 sano oo xarig ah.