Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku wajahan Jabuuti

0
276

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ay u ambabaxaan dalka Jabuuti.
Ujeedka Safarka Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Jabuuti ayaa lagu sheegay xeritaanka Shirweynaha Machadka Cilmi baarista ee Heritage taasoo ah madashii afaraad ee Aragti-Wadaagga (Forum For Ideas) oo shalay ka furmay Magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti.
Ra’iisul Wasaare Maxamad Xuseen Rooble ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo xeritaanka Madasha, waxaana uu sidoo kale la kulmi doonaa qaar kamid ah madaxda lagu casuumay dooda uu qabanayo Machadka Cilmi baarista ee Heritage.
Kulanka uu Ra’iisul Wasaaraha soo xirayo ayaa waxaa sanadkaan looga hadlayaa xasillooni darrada ka jirta Geeska Afrika, waxaana shalay jirtay dood dhexmartay Madaxda Soomaalida ee ka qayb galaya Shirweynaha.