TPLF oo dib ula wareegtay magaalo taariikhi ah

0
363

Wararka naga soo gaaraya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in xoogagga TPLF ee gobolka waqooyi ay dib ula wareegeen magaalada taariikhiga ee Lalibela.
Labo toddobaad ka hor ayay ahayd markii ciidamada dowladda dhexe ee Itoobiya ay qabsadeen magaaladaasi caanka ku ah hiddaha iyo dhaqanka sida ay xustay hay’adda qaramada midoobay ee waxbarashada , sayniska iyo dhaqanka ee UNESCO .