Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Nuurdiin Xaaji ayaa loo aqoonsaday sharci yaqaanka sanadka ee Kenya.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday ururka caalamiga ee garsoorayaasha ee ICJ laantiisa Kenya.
Waxaa ay xuseen sida Nuurdin Xaaji ay ooga go’an tahay u ololeynta helitaanka caddaalad iyada oo loo marayo horumarinta qaybaha bulshada iyo wada-hadallada.
In kasta oo ay dhowr caqabado ay jireen sida la sheegay intii uu xilka hayay, dhanka kale waxaa lagu amaanay in ku adkaystay oo uu sii waday howlo ka baxsan waajibaadkiisa si uu u ilaaliyo hufnaanta iyo madax bannaanida waaxda dacwad soo oogista dalka ee ODPP, sida uu dhigayo dastuurka dalka ee la ansaxiyay sanadkii 2010-kii iyo si lamid bixinta adeegyada xeer ilaalinta oo tayaysan kuwaas oo loogu adeegayo dhammaan kenyaanka.
Waxaa si lamid agaasimaha loogu amaanay kartidiisa ku aadan In calaamad wanaagsan oo si fudud loo hilmaami doonin uu uga tago mustaqbalka waaxda dacwad soo oogista dalka.
Mr. Nuurdiin ayaa sido kale lagu boogaadiyaay soo saarista bugga habraaca tilmaamaha degdegga ah ee dacwad qaadista gudniinka fircooniga ah ee (FGM) taas oo ka qayb qaadaneyso baaqa caalamiga ah ee lagu soo afjarayo rabshadaha ku salaysan jinsiga.
Abaalmarinta sharci yaqaanka sanadka ayaa ah mid sannadle ah oo la doonayo in lagu aqoonsado, oo lagu dhiirrigeliyo sharci yaqaannada sida joogtada ah oo cabsi la’aanta iyo dhex-dhexaadnimo ugu taagan xukunka cadaladeed iyo xaquuqda aadanaha ee Kenya.
10-ka bisha 12-aad ee sanad walba laga soo bilaabo sanadkii 1993-kii, ayaa la bixinayay abaalmarintan, sii loo xuso laguna sharfo maalinta caalamiga ah ee xuquuqul aadanaha ee qaramada midoobay.