Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Homa Bay ayaa maanta ansaxiyay hindise sharciyeedka BBI ee la doonayo in lagu beddelo qaar ka mid ah qodobbada dastuurka Kenya.
Waxaa horay tallaabadan mid la mid ah u qaaday wakiillada dowlad deegaannada Siaya iyo Kisumu.
In badan oo ka mid ah ismaamullada wadanka sida Nairobi, Lamu,Kisii iyo Nandi ayaa billaabay inay qorshahan ka qayb geliyaan dadweynaha ka hor inta aynan wakiillada ka doodin.
Wakiillada Homa Bay ayaa si aqlabiyad leh codkooda ugu taageeray hindisaha BBI oo uu hor dhigay guddoomiyaha guddiga cadaaladda iyo arrimaha sharciga Ajimba Ayieta waxaana labeeyay Kevin Onyango oo si magacaabid ah ku galay golahaas.
Si loo qabto afti dastuuri ah waxaa loo baahan yahay in qorshahan ay taageeraan wakiillada ugu yaraan 24 ka mid ah 47-da ismaamul ee uu dalku ka kooban yahay.
Guddoomiyaha ismaamulka Nakuru Lee Kinyanjui ayaa dhankiisa sheegay in wakiillada ismaamullada gobolka bartamaha dalka ay ugu dambeyn 23-ka bishan ansaxin doonaan geeddiisocodka BBI.