Isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley Mr. George Natembeya ayaa sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono saraakiisha maamulka ee dhiirrigelinaya iibinta daroogada nooca khamriga sharci darrada ah.
Waxaa uu sheegay saraakiisha qaar ee maamulka inay laaluush ku qaadanayaan iyagoo ka dib u fasaxa dadka ka ganacsado khamriga sharci darrada ee deegaanka Njoro ee ismaamulka Nakuru.
Mr.Natembeya iyo saraakiil u hor kacayay ayaa shalay howlgal amni ka sameeyay tuulada Jawatho ee deeegaanka Njoro, maalin un ka dib markii halkaasi 5 qof ay u dhinteen cabista khamriga sharci darrada.
Waxaa uu sheegay in haatan baaritaano arrinkan ku saabsan la billaabay, islamarkaana tallaabo laga qaadayo saraakiisha amniga ee arrinkan fududeysay.
Ciidamada ayaa intii ay howlgalka ku guda jireen waxa ay gacanta ku soo dhigeen shaandhooyin khamri sharci darro ah oo la diyaarinayay.
Mr. Natembeya ayaa si adag uga digay in qof muwaadin ah uusan u dhiman karin isticmaalka khamriga sharci darrada ah.
Isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley ayaa ugu dambeyn sheegay in hay’ado amni oo isku dhaf oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka canshuuraha Kenya ay sameyn doonaan howlgal gacanta lagu soo dhigayo dambiilayaasha arrinkan ku lugta leh.
Home Wararka Kenya Nakuru:Saraakiisha ku lugta leh iibinta khamriga sharci darrada oo tallaabo laga qaadayo