Madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed madaxa bannanida ugu dhawaaqday Soomaaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wuxuu xeer Madaxweyne ka soo saaray Mamnuucidda dadka Soomaaliland deegaanadeeda ka soo jeeda ee ka qaybgala arrimaha Siyaasadda dalka Soomaaliya.
Warka ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliland ayaa lagu sheegay Markuu Arkay Madaxweynuhu Go’aanka labada Gole ee (Guurtida iyo Wakiillada) kuna taariikhaysan 11/10/2003, ujeeddadiisuna tahay mamnuucidda ka-qayb-qaadashada siyaasadda Soomaaliya.
Markuu Arkay: Degreeto Madaxweyne ee ku taariikhaysan 29/10/2003 ee lagu baahinayey go’aanka ay wada-jirka ku soo saareen labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliland.
Markuu Arkay: Waajibaadka uu Dastuurku saaray muwaadin kasta oo ah adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka Qarannimada iyo difaaca dalka iyo diinta si waafaqsan Xeerka, sida ku cad Qodobka 34aad ee Dastuurka Soomaaliland;
Markuu ku qancay: Inay tahay dambi khiyaanno qaran oo lid ku ah Qarannimada iyo Madax-bannaanida Soomaaliland ka-qayb-qaadashada hawlaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka Baarlamaanka Soomaaliland ayuu soo saaray qodobadaan.
1) Qof kasta oo u dhashay Soomaaliland, ha noqdo Masuul Dawladeed, Shicib, Urur, Axsaab, Aqoon-yahan, Madax-dhaqameed, Suugaan-yahan iyo dhammaanba qaybaha Bulshada oo ka qayb-gala siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliland waxa lagu qaadi doonaa Dambi Khiyaamo Qaran, si waafaqsan Qodobka 1aad iyo 2aad ee Go’aanka Labada Gole.
2) Xukuumadda oo kaliya ayaa ka qayb gali karta shirarka ay ku kulmayaan Soomaaliland iyo Soomaaliya, ee loo arko inay dani ku jirto ee aan ka hor imanaynin jiritaanka Qarannimada iyo Dastuurka Soomaaliland, si waafaqsan Go’aanka labada Gole ee ku taariikhaysan 05/02/2012.
3) Qof kasta oo ka qayb-gala arrimaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliland, lagama aqbali doono cafis ka hor inta aan la horgaynin Maxkamadda awoodda u leh oo aanu xukun Maxkamadeed ku dhicin.
4) Dhammaan hay’adaha nabad-gelyada ee ku shaqada leh waxa waajib ku ah inay fuliyaan Go’aanka labada Gole, isla markaana horgeeyaan Maxkamadda awoodda u leh qof kasta oo gala dambigaasi, si loo adkeeyo Jiritaanka Qarannimada iyo Madax-bannaanida Soomaaliland.
Go’aankaan Maanta kasoo baxay Soomaaliland oo aaminsan inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa kusoo aadaya xilli dalka Soomaaliya ay ka socdaan howlo doorashooyin ah, isla markaana ay qeyb ka yihiin Siyaasiyiin kasoo jeeda gobolada waqooyi ee dalka Soomaaliya ama Soomaaliland.
Home Wararka Soomaaliya Madaxweynaha Somaliland oo sheegay inaan la cafin doonin dadka ka qayb qaata...