Puntland oo qaadacday go’aankii xal raadinta ahaa ee kasoo baxay Isimada maamulkaasi

0
371

Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa si cad uga soo horjeesatay qodobbadii ay soo saareen Isimada Puntland, kuwaas oo xal loogu raadinayay khilaafka ka dhashay xilka qaadistii uu Madaxweynaha maamukaasi Siciid Cabdullaahi Deni ku sameeyay Agaasimihii Ciidamada Hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidanka PSF ay kamid yihiin lafdhabarka Hay’adaha Amniga Puntland ayna ka qayb qaataan sugidda Amniga Guud ee Puntland gaar ahaan la dagaalanka Ururrada Argagaxisada, islamarkaana dowladda Mareykanka ay sigaar ah uga taageerto PSF dhinacyada tababarrada iyo Qalabka Ciidamada.
Qodobka ugu weyn oo Madaxtooyada Puntland qaadacday ayaa waxaa uu yahay in hubka iyo Gaadiidka dagaalka ee Ciidamada PSF uu yahay mid uu si shaqsi ah u leeyahay Agaasimihii xilka laga qaaday ee Maxamuud Cismaan Diyaano, taasina ay dhaawaceyso dowladnimada iyo xasiloonida Puntland.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka uu maamulka Puntland soo saaray: