Barasaabka ismaamulka Machakos Alfred Mutua ayaa u ballanqaaday dadka is guursanaya deyn gaaraysa dhaqaale dhan 500 kun oo shilin oo u dhiganta 500 kun oo doolar haddii loo doorto hoggaanka ugu sarreeya dalka ee doorashada guud ee sanadka dambe.
Xillli uu shalay shaaciyay inuu isu soo sharraxaya xilka madaxtinimo ee doorashada guud ee soo socoto ayuu sheegay in amaahda lagu bixin karo muddo 20 sano gudahood ah ayna caawin doonto qoysaska cusub oo raba in waayahooda nolosha ay ku bilaabaan si wanaagsan.
Waxa uu sidoo kale sheegay in dowladdiisa ay ku dhiirigelin doonto dadweynaha beerista dhirta lagu darro hab lagu bixin karo meherka.
“Marka aad bixinayso meherka, waa in aad sheegtaa inta geed ee aad beertay” ayuu yiri guddomiyaha Machakos.