Tirada dadka ku dhintay shilkii Mwingi ka dhacay oo sare u kacday

0
347

Waxaa sare u sii kacday tirada dadka ku dhintay baskii maalin ka hor ku dhacay webiga Enziu ee ismaamulka Kitui.
Dhimashada ayaa hadda maraysa 33 ka dib markii shalay la soo saaray meydad dheeraad ah.
Waxaa weli socdo howlaha samata bixinta iyadoo laga cabsi qabo in tirada dhimashada ay intaas ka sii badato.
Tani ayaa loo aaneynayaa in baska uu siday ugu yaraan 60 qof oo rakaab ah.