Raila Odinga oo musharraxnimadiisa shaacinaya Jimcaha ee 10-ka bishan

0
299

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa lagu wadaa in maalinka Jimcaha ee 10-ka bishan uu shaaciyo inuu sanadka soo socdo u tartamaya hoggaanka wadanka iyo in kale.
In kastoo Raila uu u muuqdo inuu qayb ka yahay loolanka siyaasadeed ee ku aaddan madaxtinimada wadanka haddana weli si rasmi ah umuunan shaacin musharraxnimadiisa.
Mr. Odinga ayaa xusay inuu weli taageero u raadinaya ololihiisa Azimio La Umoja ee mideynta bulshada.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka oo isu soo bax siyaasadeed shalay ku qabtay deegaanka Kasarani ee magaalada Nairobi, ayuu Kenyaanka ugu yeeray in 10-ka bishan ay kasoo qayb galaan xafladda uu shaca kaga qaadi doono inuu sanadka soo socdo u tartamaya xilka madaxtinimo ee wadanka iyo in kale.
Munaasabadda shaacinta ayaa lagu qaban doona deegaanka Kasarani ee ismaamulka Nairobi.
Raila ayaa xusay inuu dalka ku soo wareegay isaga oo raadinayo aragtiyo kala duwan ee Kenyaanka, islamarkaana ku aadan haddii u markii shanaad xilka madaxtinimo isu soo sharraxayo.
Dhanka kale qaar ka mid ah xildhibaanada xulafada la ah Raila Odinga, ayaa ku boorriyay taageerayaashooda inay dhagaystaan musharraxa madaxweyne ee uu sanadka 2022-ka soo saaro hoggaamiyaha hadda talada wadanka haya Mr. Uhuru Kenyatta.