Waa kuma sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada PSF ee u wareegay dhinaca Deni?

0
338

Wararka aan ka haleyno Magaalada Boosaaso ee gobolka bari ayaa sheegaya in Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Maxamad Ilig oo ahaa Taliye ku xigeenka Guud ee Ciidanka PSF-ta ee Puntland uu ku biiray Garabka xukuumadda Madaxweyne Deni.
Taliye ku xigeenka ayaa horay wuxuu u diidanaa xilka qaadistii lagu sameeyay Agaasimihii Hay’adda PSF, isaga oo Shir jaraa’id uu dhawaan qabtay ka sheegay in xilka qaadistii Agaasimaha Hay’adda PSF ay ahayd sharci darro, balso mowqifkiisii uu beddelay.
Xukuumadda Madaxweyne Deni ayaa waddo qorsho lagu kala fur furayo Saraakiisha Ciidamada PSF si dagaal uusan uga dhicin Boosaaao.
Xaaladda Magaalada Boosaaso ayaa haatan ah mid degan, in kastoo Xukumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ay Ciidamo aad u farabadan gaysay Xaafadaha Magaaladaasi.