Guddiga doorashada Soomaaliya oo la laalay doorashada labo kursi oo dhawaan lagu doortay Baydhabo

0
267

Guddiga doorashada Soomaaliya ee heer Federaal ee FEIT ayaa sheegay in la laalay doorashadii labo kursi oo dhawaan lagu doortay magaalada Baydhabo.
Kuraasta lalaalay ayaa kala HOP103 iyo HOP154, waxayna sheegeen guddiga in dib loogu celinayo doorashadooda kuraastaas.
Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in kuraas laga soo doortay Galmudug dacwad laga soo gudbiyay iyagana baaristooda ay socoto.
Labadda Kursi ayaa horay waxaa ugu fadhiyay xildhibaano Sareedo Maxamad oo dib loo doortay iyo Guddoomiyihii hore golaha Shacabka Maxamad Sheekh Cusmaan Jawaari oo loo diiday in uu tartamo, waxana kursigiisa kusoo baxay Wasiirka Gaadiidka maamulka Koonfur Galbeed Maxamad Cali.