DHAGEYSO:Waa sidee tayada adeegyada caafimaad ee ismaamulka Garissa ?

0
399

Qorshayaasha ugu waawayn ee maamulka Jubilee waxaa ka mid ah helidda adeeg guud oo caafimaad.
Haddaba waa sidee heerka iyo tayada adeegyada caafimaad ee laga bixiyo isbitaallada dowladda ee ismaamulka Garissa.
Maxamad Cali Madoobe ayaa nooga diyaariyay maqaalkan oo ah mid uu u riyaaqay golaha warbaahinta dalka ee MCK.

Dhanka kale wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa maanta shaacisay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ay diiwaangelisay xaaladaha cusub ee cudurka COVID19 oo gaaraya 29 .
Tirada guud ee kiisaska caabuqa corona ee Kenya ayaa hadda ah
254,979.
Dadka ugu dambeeyay ee xanuunka uu haleelay 24 ka mid ah waa kenyaan halka 5 ay ajnabi yihiin.
Waxay isugu jiraan 19 rag iyo 10 haween ah oo ay da’doodu u dhexeyso 5 sano ilaa 75 sano .
Kiisaska maanta ayaa laga kala diiwaangeliyay ismaamullada Nairobi 19, Nakuru 3, Isiolo 2, Baringo 1, Elgeyo Marakwet 1, Kakamega 1, Kiambu 1 iyo Uasin Gishu 1.
Sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka , waxaa xanuunka ka bogsaday 22 bukaan oo dheeraad ah tani oo bogsashada guud ka dhigaysa 248,426.
Lama soo tabin dhimasho dheeraad ah waxayna dhimashada guud ee ka dhalatay cudurka COVID19 gudaha Kenya weli tahay 5,335.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa ilaa iyo hadda isticmaalay 7,554,149 oo ah dawooyinka tallaalka ka dhanka ah corona.