Ugu yaraan 23 qof oo ku dhintay bas shil ku galay webi ku yaalla Mwingi

0
469

Ugu yaraan 23 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen oo 4 ka mid ah carruur ay ahaayeen ka dib bas iskuul oo gelinkii dambe ee maanta shil ku galay webiga Enziu ee deegaanka Mwingi ee ismaamulka Kitui.
10 qof oo kale ayaa la soo badbaadiyay, iyagoo la dhigay isbitaalka heerka 4-aad ee Mwingi si xaaladooda caafimaad loola tacaalo.
Baska oo doonayay in uu ka gudbo buundo halkaasi ku taallay ayaa waxaa ka awood batay biyaha, waxa uuna la jiiray dad rakaab ah oo saarnaa baabuurkaasi.
Waxaa la sheegay in baska oo laga leeyahay dugsiga hoose dhexe ee St. Joseph ee deegaanka Mwingi, isagoo ka soo ambabaxay magaaladaasi kuna sii jeeday goob kaniisad oo qorshuhu ahaa inay ka qabsoonto xaflad aroos ah.
Sarkaalka taliska qaybta booliska ee OCPD-ga bariga deegaanka Mwingi Joseph Yakan oo dhacdadan xaqiijiyay ayaa shaaca ka qaaday in baska ay saarnaayeen ku dhawaad 50 rakaab ah markii uu shilka dhacay.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in darawalka baska uu wajahayay cadaadis maadaama ay rakaabka doonayeen inay xilli hore tagaan xafladda arooska.
Waxaana dadka shilka ku geeriyooday u badnaa dad isku qoys ah.
Waxaa wali socdo barnaamijka samatabixinta, balse waa la hakiyay caawa oo berri ayuu dib u bilaabanaya.
Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto, barasaabka ismaamulka Kitui Charity Ngilu dhigeeda Machakos Alfred Mutua iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka tacsiyeeyay dhacdadan oo ay dadku ku dhinteen.