Wiil uu dhalay sarkaal sare oo boolis oo looga shakisan yahay inuu shil waddo ku dilay laba qof

0
445

Waxaa lagu soo warramayaa in laba qof uu mid darawaal mooto yahay halka midka kale u rakaab ahaa ay dhinteen ka dib shil habeen ka hor ka dhacay agagaarka waddada Southern Bypass ee magaalada Nairobi.
Shilka ayaa waxaa uu u dhexeeyay gaari nooca raaxada iyo dhugdhugley.
Waxaa uu shilka dhacay gelinkii dambe ee maalinkii Khamiista
Gaariga shilka galay ayaa sidoo kale dhaawac u gaystay laba haween oo saarnaa baabuur kale oo yar oo ah nooca xamuulka qaado ah.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in darawalka baaburka dilka gaystay u ahaa mid sarkhansanaa.
Wararka qaar ayaa sheegaya in shakhsigii waday baaburka shilka uu dhalay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada booliska ee dalka.
Adeegga qaran ee booliska dalka ayaa ilaa haatan ka hadlin dhacdadan.