DHAGEYSO:Digniin adag oo loo diray askarta shacabka dila ee Soomaaliya

0
425

Taliyaha ciidanka lugta xoogga dalka Soomaaliya jeneraal Biixi oo maanta la hadlayay ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa digniin adag u diray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed kuwaasoo lagu eedeeyay in ay gudaha magaalada Muqdisho ku dileen dhallinyaro saarnaa Mooto Bajaaj.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidanka ay tilaabo adag ka qaadi doonaan askartaasi lana geyn doono tiirka Caddaaladda si looga jaro dhibaatadii ay gaysteen.
Waxaa uu sidoo kale uga digay in ay rasaas furaan xilliyada ay marayaan waddooyinka oo mararka qaar ay ciidanka rasaas ku furtaan marka ay xirmaan waddooyinka ama saxmad ay jirto.

Ciidanka dowladda ayaa si barer ah u dilay Sakariye Maxamuud Xuseen, Sowda Maxamuud Xuseen iyo Mahad Cabdiraxmaan Maxamuud xalay iyo habeen hore xilli ay doonaayeen in ay waddooyinka oo mashquul ahaa ay furtaan.
Dhanka Booliska waxay sheegeen in ay gacanta ku hayaan eedaysaneyaasha oo kala ah Cabdiwaayeel Macallin Aadan iyo Dayax Nuur Cabdi Aadan ayna hadda ku jira gacanta Dowladda, iyada oo la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh.