Xaaladaha cudurka COVID19 ee qaaradda Yurub oo gaartay 75 milyan, iyadoo uu jiro walaaca Omicron

0
478

Kiisaska cudurka Coronavirus ee qaaradda Yurub ayaa kor u dhaaftay 75 milyan oo xaaladood.
Tani ayaa kusoo aadeyso iyadoo waddamada qaaraddaasi xuddudaha ka xiranayaan dadka ka imaanaya dalal ku yaalla koonfurta Afrika, ka dib markii faraca cusub Covid19 ee loo yaqaano Omicron Variant lagu arkay wadanka Koonfur Afrika.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in faraca cusub ee corona ee Omicron ilaa iyo hadda laga diiwaangeliyay 38 waddan, iyadoo 2 cisho ka hor ay tiradaasi ahayd 23 dal.
Hasa ahaate ilaa iyo hadda lama xaqiijin wax dhimasho oo la xiriirta noocan cusub ee cudurka COVID19.
Dhanka kale, tirada dhimashada ka dhalatay cudurka COVID-19 ee dalka Ruushka ayaa gaartay ugu yaraan 578,020, waana wadanka saddexaad ee caalamka ee laga diiwaangeliyo tiro intaasi la eeg.