DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in lasoo qabtay askartii ka dambeysay dilalkii ka dhacay Muqdisho

0
339

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in gacanta lagu soo dhigay eedeyanayaashii ka dambeeyay dilkii habeen ka hor Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya loogu gaystay Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowdo Maxamuud Xuseen.
Wasiirka Caddaaladda Xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamad Nuur ayaa sheegay in ciidanka Booliska ay gacanta kusoo dhigeen, islamarkaana maalmaha soo socda Caddaaladda la marsiin doono Kooxdaasi.
Dhanka kale waxaa uu sheegay in ciidanka Ammaanka ay soo qabteen Ciidankii ka dambeeyay dhaawac gelinkii dambe ee Muqdisho loogu gaystay Mahad Cabdiraxmaan oo rasaas ay fureen ciidanka dowladda ku dhaawacmay.
“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed la wadaagayaa in ciidamada ammaanka ay igu war geliyeen in gacanta lagu dhigey dadkii lagu tuhunsanaa inay gaysteen dilkii walaalaheena Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowdo Maxamuud Xuseen, Sidoo kale waxaa gacanta lagu soo dhigey qofkii dhibka u geystey walaalkeena”ayuu yiri Wasiirka Caddaaladda.
Dhanka kale booliska ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan Eedaysaneyaasha oo kala ah Cabdiwaayeel Macallin Aadan iyo Dayax Nuur Cabdi Aadan ayna hadda ku jira gacanta Dowladda, iyada oo la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh.
Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifataax Aadan Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay ciidamada dika gaystay

Waxaa uu dhanka kale ciidamada booliska ee baabuurta saaran uga digay inay xabadeeyaan dad shacabka waddooyinka maraya, islamarkaana cid walbo dhibaato gaysato cadaaladda la horgeyn doono.