Uhuru Kenyatta “Maamulkeyga waxaa ka go’an garab istaagga dadka naafada ah”

0
323

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay garab istaagga dadka naafada ah.
Waxaa uu sheegay in shakhsiyaadka qabo baahiyaha gaarka ah lagu taageeri doono sidii ay uga qayb qaadan lahayeen horumarka dalka.
Mr.Kenyatta ayaa sheegay in isagoo tixgelinaya xuquuqda naafada uu qaar ka mid ah u magacaabay xoghayayaal,xafiisyo dastuuri ah, xubnaha guddiyo dowladeed iyo jagooyin sare oo ka tirsan dowladda.
Madaxweynaha oo arrimahan ka hadlay xilli uu ka qayb galay munaasabadad xuska maalinta naafada adduunka ee lagu qabtay xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in dadka qabo baahiyaha gaarka ah ay qabanayaan xilal hoggaan oo ay siyaasaddu ka mid tahay.
Madaxweynaha ayaa wasaaradda caafimaadka ku amray inay xaqiijiso in barnaamijka caafimaadka guud ee UHC la fuliyo iyadoo la tixgelinaya baahiyaha naafada iyo adeegyada ay u baahan yihiin.