Japan oo laga xaqiijiyay kiiskii labaad ee omicron

0
340

Warbaahinta Fuji News Network(FNN) ayaa ku warramaysa in dowladda dalka Japan ay diiwaangelisay qofkii labaad oo lagu arkay faraca cusub ee cudurka COVID-19 ee omicron.
Shalay ayay ahayd markii halkaasi laga soo tabiyay xaaladii ugu horreysay .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in wadamada Brazil iyo Nigeria ay ka mid noqdeen dalalka lagu arkay nooca cusub ee corona.
Dhanka kale waxaa jirta warbixin tilmaamaysa in faracan uu gudaha qaaradda Yurub ka jiray ku dhawaad hal toddobaad ka hor inta dowladda Koonfur Afrika aynan walaac ka muujin.
Dr. Anthony Fauci, oo ah khabiirka sare ee dowladda Maraykanka u qaabilsan cudurrada faafa ayaa sheegaya in toddobaadyada soo socdo la heli doono xog badan oo ku saabsan Omicron.
Waxaa uu intaasi ku daray in ka hor Brazil, 20 waddan oo 11 ka mid ah ay xubno ka yihiin Midowga Yurub laga diiwaangeliyay 226 oo ah xaaladaha faraca cusub ee corona.