Barasaabka Machakos oo shaqada ka Joojiyay xeer ilaaliyahii maamulkiisa

0
393

Barasaabka dowlada deegaanka Machakos Dr. Alfred Mutua ayaa shaqo joojin ku sameeyay xeer ilaaliyaha dowlada deegaankaas James Kathili sababo laxiriira anshax xumo weyn oo la sheegay inuu ku dhaqmay.

bayaan maanta ka soo baxay hogaamiyaha dowlada deegaanka Machakos ayaa lagu sheegay in si loogu gogol xaaro hanaan cadaalad ah oo meesha ka saara in la faragaliyo dacwadaha si deg deg ah shaqada looga joojiyay James Musango Kathili xeer ilaaliyaha dowlada Hoose ee Machakos.
masuulkaan ayaa lagu eedeeyay falal dhaqan xumo oo aad u weyn,ku xadgudubka dastuurka,karti xumo,xil gudasho la’aan iyo qodobo kale.

Mutua ayaa intaas ku daray inuu u go’aankaan horgayn doono wakiilada golaha hoose ee dowlad deegaankaas si loo ansixiyo.