Gaadiidleyda Nairobi oo lala wadaagay digniin ku saabsan daadad

0
357

Maamulka qaran ee waddooyinka waawayn ee KeNHA ayaa baabuurleyda ismaamulka Nairobi ku boorriyay inay taxaddar muujiyaan ka dib roobabkii da’ay.
Roobabka ayaa sababay daadad saameeyay qaar ka mid ah waddooyinka caasimadda oo ay hadda adag tahay in la isticmaalo.
Maamulka KeNHA ayaa soo jeediyay in baabuurta adeegsato waddada Nyayo Stadium iyo wareegga Bunyala ay meelo kale maraan.
Bayaanka maamulkan waxaa qayb ka ah in guddiga gacanta ku haya dhismaha marinka Nairobi Expressway uu xaaladda la tacaalayo si loo fududeeyo isku socodka gaadiidka.