Xildhibaan cusub oo ku guuleystay kursigii loo diiday Jawaari ee doorashadiisa la hakiyay

0
285

Maxamad Cali Xassan ayaa ku guuleystey kursiga Nambarkiisa uu yahay Hop 103 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo uu horay ugu fadhiyay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka dalkaasi Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari.
Maxamad Cali Xassan ayaa heley Codad dhan 78 halka musharraxii la tartamayey uu heley Codad dhan 18.
Maxamad Cali Xasan oo Maanta Magaalada Baydhabo loogu doortay kursiga HOP103 ayaa waxaa uu hadda yahay Wasiirka Howlaha Guud ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Kursigaan HOP103 ayaa Afartii sano ee la soo dhaafay waxaa ku fadhiyay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamad Cismaan Jawaari oo dhawaan sheegay in loo diiday in uu u tartamo kursigaan.