Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa kenyaanka uga digay inay taageero u muujiyaan siyaasiyiinta adeegsado qabyaaladda.
Xilli uu ku sugnaa magaalada Kinango ee ismaamulka Kwale, gobolka xeebta ayuu Ruto sheegay in laga soo gudbay waayihii shacbiyad lagu raadsan jiray qaab qaabyaaladeysan.
William Ruto oo maanta lagu wado inuu gaaro ismaamulka Kirinyaga ee bartamaha wadanka ayaa tilmaamay in ujeedadii laga lahaa aasaasidda xisbiga UDA ay tahay mideynta shacabka.
Waxaa uu qaybaha kala duwan ee wadanka ku marayaa socdaallo uu shacabka uga codsanaya inay ku taageeraan ololihiisa madaxweynenimo ee sanadka 2022-ka isagoo u marayo in kobcinta dhaqaalaha wadanka laga soo billaabo awood siinta dhallinyarada shaqo la’aanta ah,danyarta iyo ganacsatada yaryar.