Maxkamadda oo xayiraad saartay akoon ay ardayad leedahay oo lagu keydiyay 102 milyan

0
475

Maxkamadda ayaa xannibtay in lacag dhan 102 milyan oo shilin laga saaro akoon bangiyeed oo la sheegay inay leedahay ardayad dhigata mid ka mid ah jaamacadaha wadanka.
Xayiraaddan ayaa shaqeyn doonto ilaa iyo inta laga soo gabagabeynaya baaritaanada socdo.
Waxaa amarkan soo saartay garsoore Esther Maina oo sheegtay in lacagtan aan la adeegsan karin muddo saddex bilood ah.
Maamulka qaabilsan dib u soo celinta hantida la dhaco ee ARA ayaa sheegaya in akoonkan bangiga Co-operative Bank laga furtay 2-dii bishii sideedaad ee sanadkan.
Gabadha ayaa ku doodaysa in lacagtan uu hadyad ahaan u siiyay nin uu xiriir kala dhexeyo oo u dhashay wadanka Belgium.